Heemaal News Network

ManUn Oo U Hub Qaadatay Soo Xera Galinta Ozil Iyo Ronaldo

Manchester United ayaa la filayaa inay lacag badan ku qarashgareyso suuqa kala iibsiga bisha Janaayo iyagoo diirada ku haya xiddigo waa weyn oo wax weyn ka bedeli kara kooxdooda.

Red Devils ayaa la soo saxiixay Bruno Fernandes bishii Janaayo ee sannadkan, waxayna doonayaa inay xiddigo isaga ku tayo ah soo xerogeliyaan bisha Janaayo ee soo socota.
Jariirada The Sun ayaa qortay shan xiddig oo ay Manchester United la soo wareegi karto bisha Janaayo.

Xiddiga ugu horeeya ee Man United diirada u saaran waa daafaca dhexe ee kooxda RB Leipzig Dayot Upamecano iyadoo 22 jirkaan sida weyn loo qiimeeyo lagu heli karo 40 milyan ginni. Daafacaan ayaa loo arkaa inuu ka garab ciyaari karo kabtan Harry Maguire.

Man United ayaa sidoo kale weli ka quusanin saxiixa weeraryahanka Borussia Dortmund Jadon Sancho iyadoo Red Devils ay ku guuldareysatay saxiixiisa xagaagii, laakiin waxay u laaban doonaan bisha Janaayo iyadoo xiddiga Ingariiska uu qaab ciyaareed aan joogta aheyn ku soo bandhigo Jarmalka.

Xiddiga khadka dhexe ee Aston Villa Jack Grealish oo ay saxaafada Ingariiska si weyn u buunbuunineyso ayaa lala xiriirinayaa Man United iyadoo 25 jirkaan lagu qiimeynayo lacag aad u sareysa oo ay Red Devils awoodi karin haatan.

United ayaa sidoo kale ku riyooneysa inay Old Trafford dib ugu soo celiso Cristiano Ronaldo kaasoo haatan ka ciyaaraya Juventus, laakiin waxaa dhibaato ku noqon doonta mushaharkiisa oo gaaraya 540 kun ginni isbuucii.

Man United ayaa sidoo kale isha la raaceysa xiddiga ay Arsenal kooxdeeda ka saartay ee Mesut Ozil kaasoo qandaraaskiisa uu dhacayo xagaaga danbe. Ozil ayaa doonaya inuu baaqi ku sii ahaado England, sidaasi darteed wuxuu u hayaai karaa Old Trafford bisha Janaayo haddii Gunners ay lacag jaban ku iibineyso.

Related posts

Saalax Oo Mar Kale Laga Helay Covid-19

Heemaal

Ronaldinho “Way Igu Adag Tahay In Aan Idhaahdo Messi Ayaa Ugu Fiican Kubbada Cagta”

Heemaal

Jabuuti: Cayaar Yahankii Hore Ee Arsenal Iyo Barcelona Oo Ku Biiray Koox Ka Dhisan Dalka Jabuuti

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More