Heemaal News Network
somali

Maraykanka Iyo Iiraan Oo Yeelanaya Kulan Fool Ka Fool Ah

In kasta oo aad loo soo dhaweeyay wada hadalka dib u soo nooleynta heshiiskii nukliyeerka haddana waxaa jira shaki laga muujinaayo mira-dhalka wadahadalka.

Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan wada xaajoodka Nukliyeerka, Robert Malley, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, wuxuu ku yiri: “kulanka Vienna ee la qorsheeyay inuu qabsoomo todobaadka soo socda waa talaabadii ugu horeysa ee loo qaaday soo nooleynta heshiiska Nukliyeerka Iiraan, laakiin wada hadalada way adkaan doonaan.”

Agaasimaha Hay’ada Tamarta Atomiga ee Iiraan, Cali Akbar Saalixi, ayaa dhankiisa ku sheegay hadal uu ka jeediyay habeenimadii Jimcaha Aaladda “Clubhouse” in wadahadalada farsamo ee la qorsheeyay in talaadada soo socota ay furmaan ayaa ka digay halista laga filan karo dhinacyada ka qeyb galaaya shirka.

Waxuu intaas ku daray in wada hadalkii khadka tooska ah ku dhexmaray wakiilada Jarmalka, Faransiiska iyo Ingiriiska, oo lagu daray Shiinaha, Ruushka iyo Iiraan, uu ahaa mid jabiyay ismari waagii hore ee hortaagnaa wada hadalka Nukliyeerka.

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa dhawr jeer lagu eedeeyay ku xadgudubka heshiiskii horay looga gaaray Nukliyeerka iyo falal la xiriira ku xadgudubka xuquuqda aadanaha, waxaana la saadaalinayaa in wadahadaladan ay hormuudka u yahiin Iiraan iyo Mareykanka aysan noqon doonin mid ka fudud Labada dhinac.

Related posts

Gaalkii ku Gafay Nabiga Ee Salman Rushdie Oo Lagu Tooreeyey New York

Heemaall

Afhayeenka Gobalka Gedo Oo ka Hadlay Ciidamada Itoobiyan ah Oo soo Galay Gobolkaasi.

Heemaall

Boris Johnson Oo Si Qarsoodi Ah U Guursaday

Heemaal