Heemaal News Network
somali

Maraykanka Oo Abaal marin Siinaya Qofkii Far Fiiqa 4-taa Nin

Waxada abaalmarinta dhinaca caddaaladda ee Mareykanka ayaa maanta shaacisay magacyada saddex ka tirsan hoggaanka ugu sarreeya Al.-Shabaab oo ay madaxadooda dul dhigtay abaalmarin lacageed oo dhan $10 milyan oo doolarka Mareykanka ah.

Lacagta abaalmarinta ah ayaa lasiin doonaa qof walba oo keena macluumaadka horseedi kara in la ogaado halka ay raggaas “ku dhuumanayaan”.

Qoraal lasoo dhigay bogga Twitter-ka ee waaxdan, oo sidoo kale lagu faafiyay Twitter-ka safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa lagu yiri sidan: “Ilaa $10M ayaa lagu bixinayaa xogta ku saabsan argagixisada kala ah MAHAD KARATE, AHMED DIRIYE & JEHAD MOSTAFA, kuwaasoo ku lug lahaa weerarro badan oo lagu dilay kumannaan qof, gudaha Soomaaliya, Kenya iyo dalal kale. Ma garaneysaa halka ay isku qarinayaan? NOO SOO DIR FAR FIIQ!

Mareykanka ayaa sheegay in qofka lasoo wadaaga macluumaadka shakhsiyaadkan uu heli karo lacagtaas 10-ka mlyan ee doolar ah iyo in sidoo kale laga kaxeeyo Meesha uu joogo qofka xogta keenay oo dib u dejin loo sameeyo.

Waaxda bixisa abaalmarinnada caddaaladda ee Mareykanka ayaa sidoo kale dhawaan shaacisay in ay lacag dhan $10 milyan oo doollarka Mareykanka ah abaal marin ahaan u siineyso ciddii ka caawisa burburinta shabakadda dhinaca dhaqaalaha u qaabilsan Al-Shabaab.

“Howlgallada dhinaca maaliyadda ee Al-Shabaab iyo shabakadaha ka shaqeeya waxa ay gacan ka geystaan sii wadidda howlaha kooxda iyo maalgelinta weerarrada argagixisada ee lagu dilay kumannaan shacab ah oo aan waxba galabsan iyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya iyo waddamada deriska la ah,” ayaa lagu yiri qoraal lagu faafiyay bogga internet-ka ee waaxda.

Bishii October, Wasaaradda maaliyadda ee Mareyikanka ayaa soo bandhigtay magacyada 9 Soomaali ah oo lagu tilmaamay in ay qeybta dhaqaalaha u qaabilsan yihiin Al-Shabaab.

 

Related posts

Muqdisho: Ciidamo Cusub Oo Uganda Ah Oo Dalka Yimid

Heemaall

Eedaysane Loo Xidhay Dilkii Iimaamkii Somaliga Ahaa Ee Columbus Ohio

Heemaall

Qorshaha Cusub Ee Hawlagalada AMISOM Oo Loo Gudbiyay QM

Heemaall