Heemaal News Network

Maraykanka Oo Albaabada U Furay Muhaajiriinta Koofurta Ameerika

Maamulka madaxweyne Biden ayaa sheegaya inuu billaabi doono in si tartiib tartiib ah ay Mareykanka u soo galaan kumannaan qof oo magangalyo doon ah oo haatan ku xayiran dalka Mexico.

Waxa uu sheegay in laga billaabo todobaadka soo socda uu ka hawlgali doono codsiga 25,000 oo qof oo dacwaddooda magangelyo doonka ay haatan diyaarka tahay.

Dadka magangelyo doonka ahi ayaa marka hore waxaa laga rabaa inay isa soo diiwaan geliyaan oo ay soo maraan baaritaanka cudurka Covid-19, ka hor inta aan loo ogolaan in ay ka soo tallaabaan xudduudda.

Tallaabadan ayaa lagu doonayaa in lagu laalo siyaasadihii sida weyn loo dhaliili jiray ee madaxweynihii hore ee dalkaasi Donald Trump.

Trump ayaa sanadkii 2019 meel-mariyay sharci dadka megengalyo doonka ahi ka hor istaagayo in ay soo galaan gudaha dalka Mareykanka.

Sharcigan ayaa dhigayay in muhaajiriinta magangelyo doonka ahi ee ka soo tallaabaya dhanka xudduudda koonfureed ay ku sii hakadaan Mexico, inta dacwaddooda ay go’aan ka gaarayaan maxkamadaha arrimaha socdaalka ee Mareykanka.

Hasa yeeshee maalintiisii ugu horreysay ee uu xafiiska la wareegay ayaa madaxweyne Joe Biden wuxuu laalay sharcigaasi.

Related posts

Warbaahinta Puntland Oo Sharci Darro ku Tilmaamay Xukun Maanta Lagu Riday Weriye Kilwe

Heemaall

X/Ucid Oo ka Qayliyay Faragalin Ay Sheegan In Lagu Hayo Gudiga Doorashooyinka.

Heemaall

Taliska Booliska Oo Ka Hadlay Qaraxii Caawa Muqdisho

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More