Heemaal News Network

Maraykanka Oo Ansaxiyey Talaalka Covid-19 Ee Ay Sameeyeen Pfizer og Biontech

Saraakiisha Caafimaadka Dowladda Mareykanka ayaa ansixiyay adeegsiga tallaalka looga hortagayo cudurka COVID-19, tallaabadaan oo waddada u xaareysa in tallaalka qaadashadiisa ay shacabka Mareykanka bilaabaan todobaadkaan.

Hey’adda Cuntada iyo Dawooyinka Mareykanka ee loo soo gaabiyo FDA ayaa xalay ku dhawaaqday, in tallaalka ay si xaalad deg deg ah u ogolaatay in loo isticmaalo, waxaana hadda bilaabmaya daabulista dawada tallaalkan oo ay sameyntiisa iska kaashadeen shirkadaha dawada farsameeya ee kala ah Pfizer oo Mareykan ah iyo shirkadda BioTech oo laga leeyahay Jarmalka.

Tallaalka ayaa kusoo beegmaya xilli ay aad u sii kordhayaan kiisaska dadka Mareykanka ugu dhimanayo cudurka Covid-19. Cel celis ahaan hadda waxaa maalintiiba Mareykanka ugu dhinta xanuunkan 3,000 oo ruux.

Dhanka kale, warbaahinta Mareykanka ayaa ku warramay in madaxa shaqaalaha Aqalka Cad, Mark Meadows uu Jimcihi shalay ku cadaadiyay madaxa heyadda FDA Stephen Hahn inuu si deg deg ah u ansixiyo adeegsiga tallaalka Pfizer, haddii kalana uu shaqadiisa weyn doono.

Hase yeeshee war qoraal ah oo uu shalay soo saaray Hahn ayuu ku beeniyay in madaxa shaqaalaha Aqaka Cad uu ugu hanjabay in uu xilkiisa weynayo.

Related posts

Dawlada Somaliya Oo Mar kale ka Hadashay Madax-banaanida Ay Sheegato Taiwan.

Heemaall

Ruushka: “Siyaadii Cuqdada Iyo Aargoosiga Ku Dhisnayd Ee Obama Ayuu Soo Wadaa Biden”

Heemaall

Musharaxada Madaxweynaha Uganda Oo Dhaqaale La’aan Xoogan soo Foodsaartay.!!

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More