Heemaal News Network

Maraykanka Oo Baaq Ka Soo Saaray Dagaalka Ka Socda Itoobiya

Dowladda Mareykanka ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda gobolka Tigray ee dalka Ethiopia, kaasi oo u dhaxeeya kooxda TPLF iyo ciidamada federaalka dalkaas.

Warka kasoo baxay Mareykanka ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen warbixino sheegaya in boqolaal qof lagu xasuuqay magaalo ka tirsan gobolka, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee Afrika Tibor Nagy ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku yiri “waxaan cambaareyneynaa shacabka lagu xasuuqa magaalada Mai-Kadra, waxaana ku baaqeen in la qaado tallaabo deg deg ah oo lagu qaboojinayo xiisadda gobolka Tigray. Waa muhiim in nabadda lasoo celiy,o shacabkana la bad-baadiyo.”

Dagaalka gobolka Tigray ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo in Ethiopia ay lugaha la gasho dagaal sokeeye.

Related posts

Xukuumada Abiy Ahmed Oo Shaacisay Inay Magaalo kale Ay ka Qabsatay Xoogaga Tigray-ga.

Heemaall

Kenya Oo Shaacisay Heshiis Cusub Oo ay Muqdisho kula Gaartay Dawlada Fadaraalka.

Heemaall

Wasiir Shiddo “Dagaalka Gobolka Tigrayga waa Mid Gaboodfallada TPLF Looga Badbaadinayo Shacabka”.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More