Heemaal News Network
somali

Maraykanka Oo Baaq Ka Soo Saaray Shirka Muqdisho

Xafiiska Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa ugu baaqay madaxda Soomaaliya ee la filayo inuu shirka uga furmo Muqdisho inay ka faa’iideystaan fursaddan oo ay dhameystiraan heshiis doorasho.

Qoraal kooban oo xafiiska kasoo baxay ayaa sidoo kale farriin loogu diray ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo wada-hadalladaas hoggaaminaya, ayada oo loo sheegay inuu haysto taageerada buuxda ee dowladda Mareykanka.

“Hoggaamiyayaasha Soomaaliya waa inay ka faa’iideystaan fursaddan si ay iminka u dhameystiraan heshiis doorasho oo u wanaagsan shacabkooda iyo dalkooda. Ra’iisul Wasaare Rooble waxa uu haystaa taageeradeena buuxda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa aad u sareysa rajada laga qabo in shirkan uu guuleysto ayada oo loo heelan yahay in heshiis la gaaro, iyadoo aysan jirin xafiiltankii hore iyo kadeedkii siyaasadeed ee uu abuuray Farmaajo.

Related posts

Wasarada Hawlaha Guud Ee Awdal Oo U Quus-goysay Dad ka Hor-yimid Mastar Planka Borama

Heemaall

Beesha Habar-gidir Oo Hubka U Qaadatay Dagaalka Al-shabab, Fariin-na Udirtay Galmudug

Heemaall

Rooble Oo Ka Dareenceliyay Talaabooyinka Is-khilaafsan Ee Gudida Doorashada

Heemaall