Heemaal News Network
somali

Maraykanka Oo Boqolaal Bilyan U Adeegsanaya Burburinta Dhaqaalaha Shiinaha

Xukuumadda Beijing ayaa ka falcelisay qorshaha uu Mareykanku ku qarashgareynayo laba boqol iyo konton bilyan oo doolar si looga hortago awoodda dhaqaale ee sii kordheysa ee Shiinaha.

Sharciga – oo ay ansixiyeen Aqalka Senate-ka Mareykanka – ayaa sameyn doona maalgelin cilmi baaris ah oo ku aaddan meelaha ay ka midka yihiin sirdoonka ah.

Shiinaha ayaa horeyba u lahaa qorshayaal u gaar ah oo uu ku horumarinayo tikniyoolajiyadda kaas oo uu kaga gol leeyahay inuu kula tartamo dunida gaar ahaana Mareykanka.

Hindisaha Mareykanka waxa uu weli ku xiran yahay inuu ka gudbo Golaha Wakiillada. Saraakiisha Shiinaha ayaa sheegay in tallaabadani ay ka buuxdo waxa ay ku tilmaameen “fikrado dhan u janjeera”. Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha, oo la yirahdo Wang Wenbin, ayaa shir jaraa’id ku sheegay in Washington ay tahay inay joojiso tallaabooyinkaasi.

Related posts

Madaxwaynayaasha Maraykanka Iyo Turkiga Oo Markii Ugu Horeysay Kulmaya.

Heemaall

Xukuumada Rooble Oo War kasoo Saartay kulankii R/Wasaaraha iyo Musharaxiinta.

Heemaall

Wafdigii Qatar Oo Caawa Muqdisho kula Shirsan Xubno ka Tirsan Musharaxiinta.(Sawirro)

Heemaall