Heemaal News Network
somali

Maraykanka Oo Codsi Udiray Kooxda Daalibaan Oo ku Dhaw inay Qabsadaan Kabul.

Dowladda Maraykanka waxay ka codsatay Hoggaamiyayaasha Kooxda Hubeysan ee Daaliban inay badbaadiyaan Safaaradooda ku taalla Caasimadda Kabul.

Wargeyska The New YorkTimes ayaa qoray Arbacadii la soo dhaafay inay Xogtaasi ka ka helayaan Labo Sarkaal oo Sarsare oo Maraykan ah, kuwaasi oo magacyadooda qariyey.

Sida laga soo xigtay Warbixinta, Dowladda Maraykanka waxay la xiriirtay Daalibaan, iyadoo u sii martay Ergayga Khaaska ee ugu qaabilsan Arrimaha Afganistan, Zalmay Khalilzad oo asalkiisu Afgani ah, si hubaal looga dhigo Ammaanka Safaaradooda, haddii ay Daalibaan qabsadaan magaalladda Kabul.

Codsiga Maraykanka ayaa soo baxay, xilli ay Maleeshiyadda Daalibaan u dhawaadeen dhinaca Caasimadda Kabul oo ay haatan u jiraan wax ka yar 80 KM.

Ciiddamada Maraykanka iyo kuwa Isbahaysiga la ah waxay u dhow yihiin inay isaga huleelaan Afganistan, kadib, 20-sano oo ay ku sugnaayeen.

Inkastoo uu Maraykanka Codsi Badbadin u diray Kooxda Daalibaan, haddana ilaa 3,000 oo Ciiddamo Maraykan ah ayaa loo daabulay Caasimadda dalka Afganistan ee Kabul, si ay gacan uga geystaan in Muwaadiniinta Maraykanka iyo Shaqaalaha Reer Afganistan ee Milliteriga Maraykanka la shaqeyn jireen.

Related posts

Warbaahinta Muqdisho Oo loo Diiday Tabinta Hadal jeedinta Murashaxiinta Madaxweynaha.

Heemaall

Jubbaland Oo Muddo kadib Amartay in la Dhiso Xarun Qarax Ay ku Burburiyeen Al-Shabaab

Heemaall

Puntland Oo U Digtay Shaqaalaha Ajaanibta ah Ee ka Hawlgala Degaannadeeda.

Heemaall