Heemaal News Network

Maraykanka “Ma jiro Dal Covid-19 Dartii Ugu Xadgudbi kara Xuquuqda Aadanaha”

Wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa sheegtay in uusan jirin waddan loo oggol yahay inuu u adeegsado covid-19 si uu marmarsiiyo kaga dhigto inuu ku xadgudbo xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka aasaasiga ah.

Dowladda Mareykanka waxay mar kale ku celisay digniinteeda ay uga digeyso muwaadiniinteeda inay u safraan Soomaaliya wax yar uun ka dib markii ay dhawaan qalalaase ka dhaceen Muqdisho.

Bayaan ay soo saartay, dowladda Mareykanka waxay ku sheegtay intii ay socdeen isku dhacyadii u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo mucaaradka Khamiistii iyo Jimcaha lagu dilay in ka badan 20 qof.

Beesha Caalamka ayaa ku cadaadinaysa dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka inay qaboojiyaan xiisadda oo ay yeeshaan wadahadal si loo dhammeeyo khilaafaadka.

UN iyo IGAD labaduba waxay si adag u cambaareeyeen rabshadaha sii kordheya iyo loolanka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Bayaanno gooni gooni ah ayay ku sheegeen in jahwareerka doorashooyinka soo socda ay sii kordhinayaan halista xasilooni darrada ayna baabi’inayaan dhammaan guulihii laga gaaray geeddi-socodka nabadda iyo dowlad dhisidda.

Dibadbaxyadii Jimcaha iyo iska hor imaadyadii xigay ee caasimadda ayaa tobanaan qof ka barakiciyay guryahooda.

Related posts

Emmanuel Macron Oo Ka Hadlay Askar Looga Dilay Dalka Mali

Heemaal

Soomaali Iyo Dad kale Oo Ajaanib ah Oo ku Dhibaateysan Xabsiyada libya.

Heemaall

Xassan Sheekh Oo Sheegay In Go’aanka Hal Dhinac Uu Khatar ku Yahay Midnimada Dalka

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More