Heemaal News Network

Maraykanka Oo Mar kale Ciidamo U Diray Somaliya.(Sawiro)

Howlgalka ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa shaaca ka qaaday iney mar kale ciidamo u soo direen Somalia si ay uga qeyb qaataan xoojinta amniga iyo la dagaalanka waxa loogu yeeray argagaxisada.

Maraykanka ayaa ala baxay bishii hore ku dhowaad kun askari oo muddo dheer ka joogay Somalia ka dib amar uu bixiyey madaxweynihii xilka ka degay ee Maraykanka Trump

Hase ahaatee Jennifer Mykins oo ah agaasimaha howlgallada taliska AFRICOM ayaa sheegtay iney diyaar u yihiin gacan siinta saaxiibadooda Soomaaliya, ayna doonayaan iney ka hor tagaan khataraha taagan.

Ciidamadan Maraykanka ah oo aan tiradooda la shaacin ayaa kasoo duulay saldhig ay ku leeyihiin magaalada Vicenza ee dalka Talyaaniga, iyagoo Soomaaliya ku soo jeeda.

“Inkastoo aan dhowaan dib u celinay Ciidamada Mareykanka ee joogay Somalia haddana dib u soo celinta ciidankan waxay muujineysaa wada shaqeynteena DF iyo inaan ka falcelino duruufaha dhanka Amniga iyo badqabka shaqaalaha Mareykanka” ayey tiri Jennifer Mykins

Ilaalinta xarumaha diblomaasiyiinta, Gargaarka, hawlgallada Militari, la shaqeynta taliska Mareykanka ee AFRICOM, Saaxiibada Soomaaliya iyo ilaalinta shaqaalaha Samafalka sida ay sheegtay Jennifer Mykins.




Related posts

Midowga Musharixiinta Oo War kasoo Saartay Shirka Dhuusmareeb

Heemaall

Somaliya Oo Heshiis Dayn Cafin ah la Saxiixatay England, Denmark iyo Netherland.

Heemaall

Hindiya Oo Markii Ugu Horaysay ka Digtay Xaaladda Siyaasadeed Ee Somaliya

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More