Heemaal News Network
somali

Maraykanka Oo Mar Kale Ka Hadlay Xaaladda Muqdisho

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegtay inay uu aad uga walaacsan tahay rabshadihii magaalada Muqdisho ka dhacay Axaddii ee u dhaxeeyey ciidamada dowladda iyo ilaalada qaar ka mid ah musharaxiinta, oo ay wehliyaan ciidamo diidan muddo kororsiga.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn, si ay khilaafyadooda ugu xalliyaan si nabdoon,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda.

“Wada-hadallo iyo heshiis ayaa ah hababka kaliya ee lagu xaliyo is-mari waaga siyaasadeed, waxaan ku boorineynaa dhinacyada inay dib u billaabaan wada-xaajoodyada mar un, si ay u gaaraan heshiis horey loogu ambaqaado doorashooyin deg deg ah.”

“Sida uu horey u sheegay xoghayaha arrimaha dibedda, dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay ka fakarto dhammaan agabyada la heli karo, oo ay ku jiraan cunaqabateyno iyo xayiraado dhanka visa-ha ah, si looga jawaabo dadaallada lagu waxyeeleynayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.”

Qoraalkaas ayaa lagu yiri “Waxaan sidoo kale caddeynay in Mareykanka uusan taageeri doonin muddo kororsi aan haysan taageerada saamileyda siyaasadda Soomaaliya, iyo hanaan doorasho oo hal dhinac ah iyo kuwa is-dhinac socda.”

“Ficillada noocan ah waxay noqon doonaan kuwa aad wax u kala qeybiya, waxyeeleeya hanaanka federaalka iyo isbeddelada siyaasadeed ee xudunta u ahaa horumarka dalka iyo saxiibtinimada beesha caalamka, waxayna dareenka ka weecinayaan Al-Shabaab. Waxay sidoo kale dib usii dhigayaan qabashada doorashada shacabka Soomaaliyeed loo ballan-qaaday ee ay sugayeen.”

Related posts

Wasaaradda Maaliyadda Oo Iska Fogaysay Eed Uga Timid Hirshabeele

Heemaal

Dagaal Maanta Mar kale ka Dhex-qarxay Somalida Iyo Canfarta Oo ka Socda Gobolka Siti

Heemaall

Booliska Fadaraalka Itoobiya Oo Dhoolatus ku Sameeyay Addis Ababa.

Heemaall