Heemaal News Network
Caalamka

Maraykanka Oo Ka Digay In La Weeraro Ceelasha Saliida Ee Liibiya

Safaarada Maraykanka ee Libya ayaa walaac ka muujisay in la is hortaago Saliida uu doofiyo dalkaasi, waxana hadii ay tani dhacdo ay Safaaradu tilmaantay in ay sii xumayn doonto gargaarka Bani’aadanimo ee la gaarsiiyo dadka reer Liibiya ee ay colaaduhu naafeeyeen.

War-qoraal ah oo ay soo saartay Asaafadu ayaa waxa ay ku sheegtay in sida ugu dhaqsaha badan loogu baahan yahay in waxsoosaaarkii saliida Liibiya loo bilaabo.

Shirkada Dawladu maamusho ee soo saarta Saliida Libya ayaa sheegtay in maleeshiyaadka daacada u ah General Khalifa Haftar ay maalmahii u dambeeyay weeraro ku soo qaadeen ceelasha saliida ee bariga iyo koonfurta dalkaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More