Heemaal News Network
somali

Maraykanka Oo Muwaadiniintiisa Uga Digay Inay U Safraan Kenya.

Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxay uga digeen Muwaadiniintooda inay socdaal ku tagaan Kenya, sida lagu sheegay La-talinta Digniintaasi oo bishan August 10-da la soo saaray.

Xarumaha Maraykanka ugu qaabilsan Kontoroolka iyo Ka-hortaga Cuddurada ee CDC ayaa lagu sheegay in Digniintaa Socdaalka Caafimaadka ee Kenya la gaarsiiyey Heerka 3-aad, sababo la xiriirta Kororka Xanuunka COVID 19.

Muwaadiniinta Maraykanka waxaa kaloo lagula taliyey inaysan u safrin Deegaanadda Islii iyo Kibera, iyaadoo dadka Maraykanka lagu wargeliyey inay khatar u geli karaan in lagu afduubto Deegaanadaasi.

Sidoo kale, Dadka Maraykanka waxaa looga digay inay u socdaalaan Gobalka Turkaana iyo Deegaanadda Xeebta ee u dhow Xuduudka Kenya la wadaagto Somalia, sababo la xiriirta Khatarta Argagixisadda ee ka jirta Goballadaasi, waa sida hadalka loo dhigay.

Dhinaca kale, Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxaa lagu duray Awoodda Boliska Kenya u leeyihiin inay ka jawaabaan haddii lgu soo wargeliyo Dembiyada oo ay ku jiraan Dembiyada rabshadaysan, Dhaca Hubeysan ee Gaadiidka, Afduubka iyo guryaha oo la isku soo galo.

Digniintan ayaa timid iyadoo ay Dowladda UK horey xayiraad ugu soo rogtay Dhoofayaasha ka imaanaya Kenya, iyadoo Kenya ka mid ah dalalka ku jira Liiska Cas ee UK, cabsi la xiriirta faafista COVID 19.

Madaxwyne Uhuru Kenya iyo Wafdigiisa markii ay UK u dhoofayeen dabayaaqadii bishii hore ee July waxaa la marsiiyey Baaritaanka COVID 19

Related posts

Abwaan ku Jare Oo Difaacay Xilka Dawlada Somaliya U Magacawday Abwaan Shaacir.

Heemaall

Midowga Musharaxiinta Oo Qoraal Digniin Culus Ah U Diray Gudoonka Golaha Shacabka.(Akhriso)

Heemaall

Xisbiga Wadani Oo U Jawaabay Wasiir Qanbi-ga Dalbaday In Faratoon Looga Tanaasulo Shir Gudoonka.

Heemaall