Heemaal News Network
somali

Maraykanka Oo Si Rismi Ah Sudan Uga Saaray Liiska Argagixisada

Maraykanka ayaa sheegay inuu dhamaytiray hanaankii uu dalka Sudan kaga saaray liiska dalalka uu u aqoonsan tahay inay taageeraan Argagixisada

Dukumiinti ay soo saartay waaxda maaliyadda ee Mareykanka ayaa lagu yiri: “Waaxda Xakamaynta Hantida Dibadda u qaabilsan Wasaarada Maaliyadu (OFAC) waxay wax ka beddeleysaa Xeerarka Cunaqabateynta Dowladaha Liiska Argagixisada … si loo dhaqan-geliyo balanqaadkii ahaa in Suudaan laga saaro liiska dalalka loo aqoonsan yahay inay yihiin kuwo argagixisada marti-galiya”

14kii Diseembar 2020, Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in uu si rasmi ah Liiska Argagixisada uga saaray Suudaan, balse talaabadaas dhaqan galinteeda ayaa ahayd mud mudo qaadanaysay oo u baahnayd in xeerarka wax laga badalo.

Go’aanka ayaa si rasmi ah u dhaqan galay Arbacada, taasoo soo afjaraysa 27 sano oo cunaqabateyn Mareykanku ku hayay Sudan ay waxyeelo daran gaarsiisay dhaqaalaha waddankaas. Waxay ahayd guul weyn oo u soo hoyatay raysalwasaaraha rayidka ah Abdalla Hamdok iyo dowladiisa talaabdaasi.

Sudan ayaa lagu daray liiska Mareykanka ee loo aqoonsaday Argagixisada ka dib weerarkii ugu horreeyay ee lagu qaaday Xarunta Ganacsiga Adduunka ee magaalada New York sanadkii 1993, xilligaas oo Suudaan ay martigalisay tiro ka mid ah kooxaha Islaamiyiinta xagjirka ah iyo sidoo kale hoggaamiyihii al-Qaacida Osama bin Laden.

Related posts

Rooble Oo Meel Ku Qoraya Mushkiladaha Ay Ka Dhaxlayso Dawlada Cusub

Heemaall

Wariyihii Uu Aflagaadeeyay Xildhibaan Indho Indho Oo Dacwad Ka Gudbiyay

Heemaall

Wasiirka Gaashaandhiga Oo si Adag Uga Jawaabay Isbaaradii Uu M/Laftagareen ku Eedeyay Rooble.

Heemaall