Maraykanka Oo Soomaaliya Ku Wareejiyey Soomaali Si Gaar Ah Loogu Xukumay ,,,

Dowladda Mareykanka ayaa dalkeeda ka masaafurisay muwaadin Soomaaliyeed oo horay loogu xukumay in uu gargaar u fidiyay Ururka Al- Shabaab ee ka dagaallama Soomaaliya sida ay ku sheegtay waaxda cadaaladda war saxaafadeed ay soo saartay.

Mahdi Mohammed Xaashi, oo 31 jir ah ayaa laga saaray amarkiisa musaafurinta xafiiska fulinta Magaalada Chicago ka dibna waxaa soo qaaday diyaarad ay leedahay ICE Air Charter taasoo keentay Soomaaliya, waxaana lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya sidda warbixinta lagu sheegay.

“Saraakiisha laanta Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka ee loo soo gaabiyo (ICE) ayaa nin Soomaali ah kaxeeyey khamiistii kaas oo lagu xukumay sanadkii 2016-kii maxkamada degmada ee Mareykanka in uu gargaar u fidiyay urur argagixiso” ayaa lagu yiri warka waaxda socdaalka.

Laga soo bilaabo Abriil 2008 ilaa Ogosto 2012, Xaashi wuxuu ka mid ahaa Al-Shabaabka Soomaaliya. Sanadkii 2012, waxaa loo soo gacan geliyay Mareykanka si uu ula kulmo dacwad oogista federaalka ee Bariga Degmada New York.

Xaashi wuxuu qirtay dambiga ah inuu taageero maadi ah siiyay Al-Shabab, 29-kii Janaayo 2016, waxaa lagu xukumay sagaal sano oo xarig ah.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy