Heemaal News Network
Soomaaliya

Maraykanka Oo War kasoo Saaray Wariye Dhawaan Lagu Dilay Afgooye.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa si xoogan u cambaareysay dilkii 16-kii Febraayo loo geystay wariye Cabdiwali Cali Xasan, dilkaas oo ka dhacay magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Abdiwali wuxuu ahaa wariye madaxbanaan oo u shaqeeynayay Radio Kulmiye iyo Universal TV. Mareykanka wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray xaaskiisa , caruurtiisa, qoyskiisa iyo asxaabtiisa.

Maraykanka waxa uu walaac ka muujiyay dhibaatada ay weriyayaasha Soomaaliyeed ku qabaan amni xumada ay ku shaqeeyaan.

“Mareykanku wuxuu la garab taagan yahay dhammaan Soomaalida si ay u difaacaan xuquuqda aan loo dulqaadan karin ee xorriyadda saxaafadda iyo xorriyadda hadalka. Waxaan sidoo kale ku baaqeynaa in la soo afjaro dhaqanka ciqaab la’aanta,” ayaa lagu yidhi qoraalka safaaradda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More