Heemaal News Network
somali

Maraykanka Oo Xaqiijyey in Ciidamo Somali ah ka Dagaalameen Gobolka Tigray

Mareykanka ayaa xaqiijiyey in askar ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya ay tababarka ugu dirtay Eritrea ay gudaha u galeen Itoobiya.

Robert F. Godec oo ah sii hayaha ku xigeenka xoghayaha Waaxda Arrimaha Afrika ee Mareykanka ayaa sheegay in ciidamo Soomaali ay galeen gobolka Tigray.

“Waxaan ka war qabnaa in ciidamo Soomaali ah ay joogeen Itoobiya, laakiin hadda ma xaqiijin karo inay dagaal ka qeyb qaateen iyo in kale, ” ayuu yiri isagoo ka jawaabayey su’aal ay weydiisay Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka.

“Waxaan rumeysnahay inay ciidamadaas ay yihiin kuwo Soomaaliya ay tababar ugu dirtay Eritrea kadib heshiis dhexmaray labada dowladood.” ayuu intaas ku daray Robert F. Godec

Hay’adda Xuquuqda Addanaha u qaabilsan Qaramada Midoobey ayaa sheegtay dhowaan in ciidamo ka socday Soomaaliya oo tababar ku qaadanayay saldhig militari oo ku yaalla Eritrea in ay suuragal tahay inay ka qeyb qaateen dagaalka ka socda gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Dowladda Soomaliya ayaa marar beenisay in ciidamo Soomaali ah oo tababar u joogay Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay Tigray.

Related posts

Dawlada Oo kasoo Horjeesatay Doorashada Guddiga Olombiyada Somaliyeed.(Akhriso)

Heemaall

Xerada Sida Wayn Loo Ilaaliyo Ee Xalane Oo La Weeraray

Heemaall

Taliyaha Boliska Somaliya Oo ku Baaqay in la Baaro Ergada Dooraneysa Xildhibaanada.

Heemaall