Heemaal News Network
somali

Maraykanka: Sobobtaa Ayaa Nagu Kaliftay In Aan Duqayno Soomaaliya

Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka Lloyd Austin ayaa ka hadlay sababta Mareykanka uu dib ugu billaabay duqeymihii Soomaaliya ee lala beegsanayey kooxda Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa duqeyntii ugu horreysay Soomaaliya ka fuliyey toddobaadkii tegay kadib in ka badan lix bil oo aysan duqeymo ka gaysan dalka.

Xoghaye Austin ayaa u sheegay idaacadda VOA in sababta ay ay Maryakanka u qaadeen duqaymihii tododbaadkii hore lala beegsaday maleeshiyada Al-Shabaab ay tahay in ciidamada Soomaaliya ay xoojiyeen weerarrada ka dhanka ah mintidiinta Al-Shabaab.

Austin ayaa u sheegey saxafiyiin la safrayay in ciidamada Soomaaliya ay kordhiyeen howlahooda shaqo ayna dib u riixayaan Alshabaab,sidaas awgeedna ay caawiyeen.

Hase yeeshee afhayeen u hadlay ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in aysan ciidamo Maraykan ah joogin dhulka, intii ay socdeen duqeymaha laakiin ay wadeen howlo latalin iyo caawin ah.

Ciidamada Maraykanka ayaa labo duqeyn ka geystey deegaano ku yaal Galmudug 20 iyo 23keedii bishan taasoo ahayd duqeyntii ugu horeeyay tan iyo markii uu Madaxweyne Biden xafiiska la wareegey.

Sanadkii aynu ka soo gudubnay ayaa Maraykanka 53 duqeyn ka fuliyey Soomaaliya halka sanadkii 2019 duqeyntu ay gaartay 63. Balse sanadkan ayaa Maraykanka uu ka fuliyay dalka Soomaaliya 7 duqeyn oo kaliya.

Related posts

Xisbiga Waddani Oo si Adag Uga Hadlay Shacabka Lagu Xasuuqay Gobolka Siti.

Heemaall

Jubbaland Oo Amaro Dhinaca Hubka ah soo Saartay.

Heemaall

Kulankii Dhex-dhexaadinta Ee Farmaajo Iyo Rooble Oo Natiijo La’aan ku Dhamaaday.

Heemaall