Heemaal News Network

Mareykanka Oo Baadigoobaya Lix Nin Oo ka Baxsaday Xabsiga California.

Lix maxbuus ayaa baxsad ku ah gudaha dalka Mareykanka kaddib markii ay dabayaaqadii isbuuca jabsadeen xabsi ay ku jireen oo ku yaalla gobolka California, iyagoo isticmaalay xarig ku meel gaar ah oo ay sameysteen.

Tobannaan dambi baareyaal ah ayaa gobolkaas ka wada howlgal lagu raadinayo ragga xabsiga ka baxsaday.

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa shacabka uga digay in maxaabiista soo baxsatay ay noqon karaan “kuwo hubeysan oo khatar ah”.

Mid ka mid ah ragga dhuumaaleysiga ku jira ayaa u xirnaa dacwad la xiriirta dil.

Jabsashada xabsiga ayaa dhacday xilli dambe oo habeenkii ay Axadda soo galeysay ah, sida uu sheegay sarkaal lagu magacaabo Vernon Warnke, oo ka tirsan booliska magaalada Merced.

Related posts

Qaramada Midoobey Oo Gali kari Wayday Gobolka Tigrey Walaac-na ka Muujisay.

Heemaall

Toos U Daawo Ciyaarta Dhexmaraysa Gabilay Iyo Hargaysa.

Heemaall

Midowga Musharaxiinta Oo War kasoo Saaray Go’aankii Dawladu ku Eriday Safiirkii Kenya

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More