Mareykanka Oo Caawinaya In ka Badan Labo Kun Oo Qoys Oo ku Barakacay Fatahaadaha.

Safaaradda Mareykanka ee soomaaliya ayaa sheegtay in iyada oo kaashaneysa barnaamijka cuntada adduunka ee WFP ay raashiin siineyso dadka ku barakacay fatahaada gobolk Shabeellaha hoose.

Qoraal safaaradu ay dhigtay barteeda Twiterka ayaa lagu sheegay in raashin ay siinayaan in ka badan labo kun oo qoys kuwaas oo qeyb ka ah kumnaanka kun ee ku barakacay fatahaadaha daran ee gobolka.

Fatahaadaha ka dhacay soomaaliya laga soo billaabo bishii febaraayo ee sanadkan 2020-ka waxaa ay saameeyeen dad lagu qiyaasay 650,000 (Lix boqol iyo konton kun) sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Gobollada hodanka ku ah wax soo saarka beeraha ee labada Shabeelle ayaa ka mid ah meelaha ugu daran ee fatahaadu saameysay.

Dhul beereed dhan 75,000 (Todobaatan iyo shan kun) oo hektar ayaa sidoo kale ku baa ba’ay fatahaadaha wabiga Shabeelle.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy