Heemaal News Network
somali

Mareykanka Oo Canbaareeyay Dhismaha Dowladda Cusub Ee Afghanistan.

Mareykanka ayaa dhaleeceeyay dhismaha dowladda cusub ee ku meel gaarka ah ee Afghanistan, oo ay ku jiraan rag lagu eedeeyay inay geysteen dilal wadareed.

Afhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanaka ayaa walaac ka muujiyay in ay dowladda cusub keliya ay ka kooban yihiin xubno ka tirsan Taliban. Wuxuu kaloo sheegay in in kasta oo saraakiisha Taliban ay ka hadleen dhisidda dowlad loo dhan yahay, haddana ma jiraan wax haween – ama dad kale oo ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay – oo ilaa hadda la magacaabay.

Ururka Dhaalibaan ee Afghanistan ayaa ku dhawaaqay dowlad cusub, kaddib in ka badan muddo sadex todobaad ah ay xukunka ka tureen dowladii uu caalamka aqoonsanaa.

Waxaa ra’iisal wasaaraha cusub loo magacaabay Mohammad Hasan Akhund oo ku jira liiska dadka ay cunaqabateynta saartay Qaramada Midoobay. Sirajudiin Xaqani oo ah madaxa ururka Shabakadda Xaqaani oo la rumeysanyahay inuu laayay dad badan oo rayid ah, ayaa loo magacaabay ra’iisal wasaaraha cusub, ninkan ayaa sidookale doondoonaysa FBI-da Mareykanka.

Related posts

Biden Oo Shiiinaha Uga Digay Taageerada Ruushka

Heemaall

Ruushka Oo Gobolada Donetsk Iyo Luhansk U Aqoonsaday Dalal Ka Madax Banaan Ukrain, Ciidana Geeyey

Heemaal

Farmaajo iyo Xasan Sheekh Oo Mar kale Yeeshay Kulan Arrimo Badan Looga Hadlayay.(Sawiro)

Heemaall