Heemaal News Network
somali

Mareykanka Oo Dib U Dhiska Gaza Balad-qaaday Inuu Gacan ka Gaysanayo.

Xoghanaya arrimaha dibedda ee Mareykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay in dalkiisa uu gacan ka geysan doono dib u dhiska magaalada Gaza kaddib duqeymihii ay Israa’iil halkaa ka geysatay bartamihii bishan.

Balse waxaa uu sidoo kale sheegay in Mareykanka ay ka go’antahay in dagaalyahannada Xamaas ee gacanta ku haya dhulkaas aysan ka faa’iideysan dedaalada dib u dhiska ee Gaza.

Antony Blinken ayaa ka hadlayay magaalada Qudus, kaddib wadahadal uu la yeeshay ra’iisal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

Blinken ayaa sheegay in Mareykanka uu ku dedaalli dooni sidii caalamka uu u taageeri lahaa dedaalka dib u dhiska Gaza, dhankiisana uu “dhaqaale wanaagsan ku deeqi doono” oo qeyb ahaan la shaacin doono gelinka dambe ee maanta.

Xabbad joojinta Israa’iil iyo dagaalyahannada Falastiiniyiinta ayaa dhaqan gashay afar maalmood kahor.

Related posts

Alshabaab Oo Baahisay Muuqaal Askar Kenyan U Afduuban Oo Farriin U Diray Uhuru Kenyatta.(Sawiro)

Heemaall

M/Biixi Oo la Kulmay Madaxweynihii Hore Sierra Leone.(Sawirro)

Heemaall

Dawlada Oo Shaacisay Liiska Xubnaha Guddiyada Doorashada Ee Cabashada Laga keenay.(Akhriso)

Heemaall