Heemaal News Network
somali

Mareykanka Oo Gaadiid Dagaal ku Wareejiyay Dowladda Somaliya.

Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika o loo yaqaan ( AFRCOM) ayaa Maanta oo talaado ah waxaa Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu ku wareejiyay Gaadiid dagaal noocyadiisa kala duwan.

Munaasabad kooban oo Gaadiidkaas uu kula wareegayay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka & Taliska AFRICOM.

Gadiidkan Maanta lagu wareejiyay Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa loogu talagalay in ay ku howlgalaan Ciidanka kumandooska DANAB Ee Xoogga dalka, kuwaas oo dagaal adag kula jira Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage aya uga mahad celiyay Taliska Mareykanka ee AFRICOM Gaadiidkaan ay kusoo wareejiyeen, isaga oo sheegay in Ciidamada DANAB sidii loogu talo galay ay ugu Shaqeyn doonaan.

Saraakiil ka socotay Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika o loo yaqaan ( AFRCOM dhankooda waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo Gobolada dalka ka wada howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.



Related posts

Suudaan Iyo Masar Oo Mar Kale U Hanjabay Itoobiya

Heemaal

Itoobiya Oo si Kulul U Beenisay Eedeymo Culus Oo Uga Yimid Maraykanka.

Heemaall

Somaliland Oo Xukun ku Riday Gen: Doollaal Oo Lagu Helay Xiriirka Muqdisho

Heemaall