Heemaal News Network
somali

Mareykanka oo Israa’iil ka Dalbaday Inay Cadayso Weerarkii Dhismaha Warbaahinta Jaziira Iyo AP.

Mareykanka ayaa Israa’iil ka codsaday inay sharraxaad ka bixiso sababta ay dhawaan u duqeysay dhismo ay degenaayeen warbaahinta Aljazeera iyo AP oo ku yaallay marinka Qaza.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa ugu baaqay Israa’iil inay ilaaliso dadka rayidka ah iyo weriyeyaasha, waxuuna sidoo kale ku baaqay in dagaalka la joojiyo.

Militeriga Israa’il wuxuu sheegay in dhismaha Qaza Tower uu yaallay ‘agab militeri’ oo ay lahaayeen ururka Xamaas isla markaana ay gabaad ka dhiganayeen ururka xamaas halkaasi.

Related posts

Sanaroon Cilmi Oo ka Hadlay Khilaafka Wasaarada Ciyaaraha ka Shiday Ciyaaraha Awdal.

Heemaall

Dhimashada Daadadkii ku Dhuftay Jarmalka Oo Korodhay.(Sawiro)

Heemaall

Borama:-Xildhibaan Khayre Oo Si Adag Ugu Jawaabay Wasiir Goora-ha Weeraray Wasiir Bayle.

Heemaall