Heemaal News Network

Mareykanka Oo Looga Digay Inay Liiska Argagixisada ku Daraan Xuutiyiinta Yemen.

Dowladda Mareykanka ayaa looga digay inay fallaagada Xuutiyiinta ee dalka Yemen ay u aqoonsataan argagixiso.

Waxaa jiray digniino ah in haddii dowladda Mareykanka ay qaado tallaabadaas ay dhibaato u keeneyso gargaarka bani’aadanimo ee la siiyo dadka ku sugan Yemen oo ay aafeeyeen dagaalo sokeeye.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Mike Pompeo oo haatan wakhtigiisu uu sii dhamaanayo waxaa uu sheegay in ujeedada tallaabadan ay tahay in lagu la xisaabatamo Xuutiyiinta oo uu sheegay inay geysteen weeraro ka baxsan dalka Yemen, kuwaas oo uu sheegay inay ku waxyeeleyeen dad rayid ah iyo maraakiib.

Qaar kamid ah hey’adaha gargaarka ee dalka Yemen waxay sheegeen inay ku qasaban yihiin inay joojiyaan gargaar ban’iaadanimo oo ay sheegeen inay ka wadaan goobo ay dadku macluul ugu dhimanayaan.

Related posts

CXD Oo Burburiyey Saldhigyo Alshabaab Lahaayeen Iyo Miino Ku Qaraxday Taliyihii Watay

Heemaal

Hargaysa Oo Laga Bilaabay Iibka Ciyaartowga Oo Maanta Lagu la Kala Wareegay $1,337.2

Heemaall

Sudan iyo Masar Oo Heshiis Cusub kala Saxiixday.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More