Mareykanka Oo Shaaciyay In Heshiis Dhinaca Doorashada la Gaareen RW Cusub Ee Somalia.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa ku dhawaaqday heshiis is-afgarad ah ay gaareen ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo Arbacadii loo dhaariyay xilka, kadib ansixintii Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Kaidb kulan ay yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb, Donald Yamamota ayaa War kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa marka hore loogu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha Cuusb oo ay codka kalsoonida siiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho waxaa ay sheegtay in Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ay ku heshiiyeen in la fuliyo heshiiskii la xiriiray arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo muhiimada uu leeyahay.

“Waxaan isku afgaranay ahmiyada ay leedahay in waqtiga doorashada lagu dhaqmo heshiiskii doorashada, maamul wanaaga, iyo sii wadida dib u habeynta dhaqaalaha iyo amniga ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Safaaradda.

Mareykanka ayaa waxaa uu kamid yahay dalalka taageerada weyn siiya Soomaaliya, sida Amniga, Dhaqaalaha, doorashooyinka iyo dhinaca gargaarka Bani’aadanimo.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy