Heemaal News Network
Caalamka

Mareykanka Oo War kasoo Saaray Banaanbaxyadii Gil-gilay Ciraaq.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa cambaareeyay falkii lagu dilay tobnaan ruux intii ay socdeen bannabaxyadi todobaadki hore ruxay dalka Ciraq.

Pompeo ayaa dhaleeceeyay rabshadihi lagu laayay dadki bannaanbaxyada dhigayay, isaga oo Ra’isulwasaaraha Ciraaq Adil Abdul Mahdi, ugu baaqay in ay maxkamad soo taagto kuwa ku xadgudbay xuquuqda aadahanah.

Mudaaharaadyadi ka dhacay Ciraq ayay shacabka ku dalbadeen in la dhameeyo musuq maasuqa dowladda ka jira iyo in wax laga qabto shaqo la’aanta ba’an ee dalkaasi ka jirta.

Rabshadihi ka dhashay dibadbaxyada ayaa sababay dhimashadda in ka badan 100 ruux iyo dhaawaca dad gaaraya lix kun oo qof.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More