Heemaal News Network

Masar:-Caro ka Dhalatay Gabar Sawir Iska Qaaday iyadoo ku Labisan Dharkii Faraaciinta

Warbaahinta iyo baraha bulshada gudaha dalka Masar ayaa si weyn looga hadal hayaa haweeney sawirro isaga qaaday ahmaarta dalka Masar iyadoo xiran dharkii ay xiran jireen faraaciinta.

Dadka sida weyn u isticmaala baraha bulshada ayaa hadal haya sawirka haweeneydan oo lagu magacaabo Salma El Shimi, isaga qaaday ahraamta Masar, waxa ayna dadka qaar tilmaameen in haweeneydan mudan tahay in la xiro maadaama ay dhaqanka ku xad gudubtay halka kuwa kalana sheegayaan in aysan qalad sameyn.

Xoghayaha guud ee golaha sare ee Masar u qaabilsan arrimaha aathaarta, Dr Mustafa Waziiri, ayaa ku baaqay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo haweeneydan sawirka isaga qaaday Ahmaarta Masar iyada oo xiran dharka faraaciinta.

Waxa uu sheegay Dr Mustafa Waziiri in wasaaradda dalxiiska iyo arrimaha aathaarta ee Masar looga baahan yahay in mar kasta isha ku heyso ilaalinta goobaha qaddiimiga ah iyo taariikhda xadaaradda Masar.

Xoghayaha guud ee golaha sare ee Masar u qaabilsan arrimaha aathaarta ayaa cadeeyay in qof kasta isku dayo in uu ku xadgudbo aathaarta iyo xadaaradda Masar tallaabo laga qaadi doono.

Sawirka haweeneydan iska qaaday kuna baahisay baraha bulshada ayaana dood iyo caro badan ka dhax abuuray baraha bulshada, lamana oga talaabada haweeneydan ka qaadi doonto dowlada Masar hadii lagu helo in ay ku xadgudubtay dhaqanka.

Related posts

Maamulka Tigreyga Oo Dalbanaya Xabad joojin si loo soo Afjaro Xasarrada Taagan

Heemaall

Nin Ceejo ku Dilay in ka Badan 90-Haween ah Oo Geeriyooday

Heemaall

Ganacsatada Yaryar Ee Hargayso Oo Cabasho Muujiyay Shirkad la Wareegtay Ganacsigii Yar-yara

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More