Masuuliyiin Tacsi Tiiraanyo leh U Diray Qoyska Uu ka Baxay AHUN Caaqil Nuur Xasan Good Oo ku Geeriyooday Djabouti.

Masuuliyiin Tacsi Tiiraanyo leh U Diray Qoyska Uu ka Baxay AHUN Caaqil Nuur Xasan Good Oo ku Geeriyooday Djabouti.

Maareeyaha biyaha magalada Lowyahacado iyo md. Farxaan Maxamed Yuusuf iyo Barasaabkii hore ee gobolka Salal md. Maxamed Muuse Bucul ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraya qoyska iyo qaraabada uu ka baxay marxuum AHUN Caaqil Nuur Xasan Good oo maanta ku geeriyooday Magaalada Jabuuti.

Masuuliyiintan ayaa marxuumka ku sifeeyay nin oday ah oo in badan kasoo qayb qaatay maslaxada bulshada ku wada dhaqan xeebaha gobolka Awdal, islamarkaasina kasoo qayb qaatay nabadayntii iyo shirarkii dib loogu disayay Somaliland.

Sidoo kale Masuuliyiintan ayaa marxuumka Alle uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo aamiin.

© Heemaal News Netwok