Heemaal News Network
somali

Maxaa kasoo Baxay Kulankii Maamul Goboleedyada Iyo Midowga Musharaxiinta?

Waxaa caawa kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah DFS & Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo kulankaas uu gadaal uga soo biiray RW Rooble

Kulanka oo ka dhacay Hoyga ay Muqdisho ka deganyihiin Madaxweyneyaasha Puntland iyo Juballand ayaa looga hadlay diidmadii ay Midowga musharaxiinta kaga soo horjeesteen habraacii doorashada ee ay soo saareen shalay golaha wadatashiga Qaranka oo ka kooban RW Rooble iyo madax goboleedyada dalka, iyagoo ka hor yimid qodobada qaar oo awoodo dheeraad ah siinaya madaxda dowlad goboleedyada.

Kulanka ayaa la isku dhaafsaday doodo kulul oo mararka meel qaraar la isla gaarayey, iyadoo ilo ku dhow kulanku sheegayaan in Rooble iyo xubnaha kale ee golaha wadatashiga ay isku dayayeen iney musharaxiinta ka dhaadhiciyaan Habraaca ay soo saareen, hase ahaatee laga diidayey.

Markii la isku mari waayey doodaha labada dhinac ayaa la isla gartay in la sameeyo guddi turxaan bixin oo ka kooban 6 xubnood oo labada dhinac ah kuwaasoo ay xubno ka yihiin:-

Dhanka Musharaxiinta.

1-C/raxmaan C/shakuur Warsame

2-Daahir Maxamuud Geelle

3-Shariif Xassan Shiikh aadan

Golaha wadatashiga

1-Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor)

2-C/casiis Laftagareen

3-Saciid C/llaahi Deni

Xubnahan ayaa la sheegay iney sii ambaqaadi doonaan doodaha labada dhinac si loo saxo tabashooyinka iyo qaladadka jira, iyadoo kulankaas ka dib Madaxweyne Qoor qoor uu casho sharaf hoygiisa ugu sameeyey madaxda kulankaas ka qeyb gashay.

Related posts

“Majiri Doonto in Musharax Gaar ah loo Xiro Aqalka Sare” Madaxwaynaha Hirshabeele Oo Furay..(Sawiro)

Heemaall

Nato “Waa Sharci Walaaca Turkigu”

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Ganacsatada Somaliland ka Dalbatay Lacag Lagu soo Iibiyo Talaalka Covid 19.

Heemaall