Heemaal News Network
somali

Maxaa kasoo Kordhay Xaalada Guriceel Caawa ka dib Dagaaladii ka Dhacay.?

Xaalada degmada Guriceel ayaa caawa degan ka dib dagaal culus oo maanta ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo ciidamada Ahlu-sunna.

Dad fara ku tiris ah oo magaalada ku sugan ayaa sheegaya iney maqlayaan mararka qaarkood rasaas aan badneyn

Goobiihii maanta lagu dagaalamay intooda badan waxaa ku sugan ciidamada Ahlusunna oo dagaal rogaalcelis ah maqribkii caawa kula wareegay.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug waxay ku sugan yihiin dhinaca Koonfurta magaalada, halka ciidamada Ahlusunna ay joogaan dhinaca waqooyi.

Labada dhinac waxaa soo gaaraya gurmad ciidan iyo baabuurta dagaal sida ay sheegeen ilo wareedyo kala duwan oo lagu kalsoonaan karo.

Dagaalka maanta ka dhacay degmada Guriceel waxaa ku naf waayey dad kor u dhaafaya 40 qof oo u badan Saraakiil iyo Ciidan ka tirsan labada dhinac.

Saraakiisha lagu dilay dagaalka ayaa waxaa ka mid ah taliyihii ciidanka Danab ee Galmudug iyo taliyihii ahlu suna ee saldhiga Booliska Guriceel.

Related posts

Shacabka Muqdisho Oo ka Dareen-celiyay Fashilka ku Yimid Dhex-dhexaadintii Farmaajo Iyo Rooble

Heemaall

Madaxweyne Deni Oo Taliyeyaal Cusub U Magacaabay Laamaha Amniga Puntland.(Akhriso)

Heemaall

Xiliga Iyo Halka Lagu Qabanayo Ciyaaraha Gobolada Somaliland Oo la Shaaciyay.

Heemaall