Heemaal News Network

Maxaa Looga Hadlay Kulan Midowga Musharaxiinta Maanta ku Yeesheen Muqdisho.?

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta mar kale kulan ku yeeshay hoteelka Jaziira ee magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa la sheegay in ay uga hadleen waxyaabihii ka soo kordhay xaaladda dalka, halka qaarkoodna ay ka warbixiyeen kulamo kale oo gaar gaar ah oo ay la yesheen, madaxda qaar ee dalka oo ay ku jiraan madaxweynayaasha maamul gobaleedyada iyo masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sidoo kale sheegayaan in shirkaan uu horudhac u yahay kulamo xariir ah oo musharrixiintu ay ku dardar gelinayaan dadaallada loogu jiro qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda ku qabsoonta.

Warar kale ayaa waxaa ay sheegayaan in caawa Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ay warbaahinta la hadli doonaan, iyaga oo ka hadli doonan dhacdooyinkii dalka ka dhacay sidoo kalena ay jawaab ka bixinayaan hadalkii Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Midowga Musharaxiinta war saxaafadeed ay ka soo saareen shir muddo 5 cisho socday ay ugu baaqeen dowladda Federaalka inay kala dirto Guddiyada doorashada, sidoo kale ka dalbaday inuu xilka banneeyo Taliyaha Nabadsugida.

Waxaa kaloo Musharaxiinta ka digeen haddii dowladda ku adkeysato inay sameyso doorasho aan loo dhameyn inay sameyn doonaan hannaan doorasho oo dalka lagu badbaadinayo.

Dalka waxaa ka jiro xaalad adag oo dhanka ammaanka ah iyo siyaasadaba ,waxaana maalmo ka hor Qarax ay ku dhinteen dhalinyaro badan oo aqoonyahaano ah, walina kama hadlin Madaxweynaha Soomaaliya dhibaatooyin ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho maalmihii la soo dhaafay.

Related posts

Sideed Qof Oo Maanta Cudurka Karoonaha Ugu Geeriyooday Muqdisho.

Heemaall

Dadwaynaha Azerbaijan Oo U Dabaal Degay Qabsashada Magaalada Labaad Ee Gobolka Lagu Muran-san Yahay.

Heemaall

Midawga Musharaxiinta Oo Ka Soo Horjeestay Go’aanka Doorashada Ee DF Qaadatay

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More