Maxay Ka Siman Yihiin Muuse Biixi Iyo Agaasimihii Qabsaday Hay’addii Ayaxa Ee Hargaysa Gumaysigii Ka Dib

Wakhtigii gumaystaha Ingiriisku xakumaayey gobolada waqooyi ee Soomaaliya, ayaa waxaa ugu waynaa hay’adaha ka hawlgala gobolodaa , ha’yaada la dagaalnka Ayaxa oo saldhigeeda ugu wayni ahaa magaalada Hargaysa.

Waxaa halkaa ka shaqayn jiray shaqaale badan, balse foostooyinka laga shubo sunta ayaxa, shaqaalaha, kolba ka u baahda ayaa qaadan jiray, mana jir cid gaar ah oo si gaar ah loo siin jiray.
Foostooyinkaasi waxay ahaayeen kuwo shaqaalaha anfaca, waxaana sobob u ahayd haynta dadka oo yarayd, iyo farsamada oo aad u liidatay, alaab dibadda lagala soo dagaana ayna jirin iyaga oo ka dhisan jiray guryaha.

Gumaysigii ayaa dalka ka baxay, waxaana maamulkii hay’adaha qabsaday karaaniyiin Soomaliyeed.

Agaasimihii cusbaa ee hay’adda la dagaalanka Ayaxa, ayaa markii ugu horaysayba joojiyey qaadashadii foostooyinka madhan, isaga ayaana urursaday, kana dhistay guryo, hooyadiina guri uga dhisay.

Haweenay ka mid ah hooyooyinkii shaqaalaha hay’adda , oo markaa gurigeedu ka qabyo ahaa, oo sugaysay in wiilkeedu u keeno foostooyin faaru ah, ayaa wiilkeedii waydiisay, su’aal waxayna ku tidhi ” Hooyo baryahan iyo baryahan maad keenin foostooyinkii madhnaa ee maxaa ku dhacay?”

Wiilkii ayaa ugu jawaabay, Hooyo Agaasimihii hore Ingiriis buu ahaa, oo hooyadiina halkan ma joogin, ee kan cusub, waa Soomaali oo hooyadiina halkan bay joogtaa, isagaana qaata foostooyinkii oo hooyadii guri ugu dhisa.

Hadda waxaa magaalada Hargaysa aad looga hadal hayaa Madaxweyne Biixi oo qofishay khasnadii dawlada, kuna dhaqaaqay in uu dhisto guryo, markaa waxaan loola yaabin Siilaanyo xaaskiisu London bay daganayd, ee Muuse xaasaskiisu Hargaysan dagan yihiin, waana ku khasban yahay in uu guryo u dhiso.

© Heemaal News Netwok