Heemaal News Network
somali

Maxay ka Wada-hadleen Somaliya Iyo Midawga Yurub.?

Wasiirka wasaaradsa Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar ayaa maanta kulan la qaatay safiirka cusub ee Midowga Yurub u soo magacaabay Soomaaliya Amb.Tiina Intelmann.

kulanka ayaa looga wada-hadlay mashruuca PSDP ee horumarinta qeybaha wax-soo-saarka iyo weli ba taageerada Midowga Yurub ee horumarinta qeybaha kala duwan ee Ganacsiga dalka.

Wasiirka wasaaradsa Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar ayaa uga mahad celiyay dalalka Midowga Yurub mashaariicda kala duwan oo ay ka fuliyaan Soomaaliya, isaga oo balan qaaday inay la Shaqeyn doonaan.

Safiirka cusub ee Midowga Yurub u soo magacaabay Soomaaliya Amb.Tiina Intelmann ayaa dhankeeda sheegtay inay sii wadi doonaan taageerada nooc walba leh oo ay siiyaan Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Related posts

Wasiir Duraan Oo Kenya kala Hadlay Xayiraadda Duulimaad Ee Somaliya ku soo Rogeen.

Heemaall

Somalia Oo Baanka Aduunka Ka Heshay 100 Milyan Oo Yabooh Ah

Heemaall

Xasan Sheikh Oo Safiirka Midowga Yurub kala Hadlay Arimaha Doorashada.

Heemaall