Joan E. Donoghue oo ka soo jeeda dalka Mareykanka ayaa loo doortay madaxweynaha cusub ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Garsoorka (ICJ) waxay bedelaysaa Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo Soomaali ah.
Kirill Gevorgian oo u dhashay Ruushka ayaa isna loo doortay madaxweyne ku xigeen, madaxdan cusub ayaa xilla hayn doona saddex sano.
Maxkamadda Caalamiga ah ee Garsoorka ICJ ayaa bisha soo socota ee March ee sanadkaan 2021 waxay qaadaysaa dawcadda dowladda Federaalka Soomaaliya ka gudbisay sheegashada Kenya ee biyo badeedka Soomaaliya.
Maxkamadda ICJ ayaa dhowr mar dib u dhigtay dacwada muranka badda ee dowladdala Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii Kenya dalbatay dib u dhista, balse waxaa la filaya in bisha March la dhageysto dacwada.