Heemaal News Network

Maxkamad Racfaan Ee Ruushka Oo Taageertay Xukunka Xabsiga Ee Navalny.

Maxkamad ku taalla magaalada Moscow ayaa Sabtida maanta ah diidday racfaan uu hogaamiyaha mucaaridka ee xiran Alexei Navalny ka qaatay xukun ay maxkamadi ku ridday horraantii bishaan.

Navalny, oo ah mucaaridka ugu weyn ee madaxweyne Vladimir Putin ayaa hadda qaadanaya xabsi saddex sano iyo bar ah, ka dib markii ay maxkamad ku taalla Moscow ku eedeysay in uu jabiyay amar horay loo siiyay oo ahaa inuusan dalka ka bixi karin.

Dhageysigii maxkamadda ee maanta, ayuu garsoorihii maxkamadda isla markiiba ku diiday racfaankii ay codsadeen qareennada Navalny, hase yeeshee maxkamadda ayaa lix toddobaad ka jartay xakunkii horay ugu dhacay ee saddexda sano iyo barka ahaa.

Navalny ayaa bishii hore ka soo laabtay dalka Jarmalka oo bishii August si xaalad deg deg oo caafimaad ah loogu qaaday, ka dib markii lagu sumeeyay gudaha Russia.

Dalalka Galbeedka ayaa cambaareeyay xakunka lagu riday hogaamiyaha mucaaridka ee Ruushka, iyaga oo dalbaday si deg deg ah loo siiyo xorriyadiisa.

Related posts

Sideed Qof Oo Maanta Cudurka Karoonaha Ugu Geeriyooday Muqdisho.

Heemaall

Banaanbax Lagu Diidan Yahay af-gambigii Milatariga ku Qabsadeen Myanmar.

Heemaall

Awdal:-Gudoomiye Jeeke Oo Deeq Lacageed ka Gudoomay Qurbo-jooga Degmada Qulujeed

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More