Heemaal News Network

Maxkamad Xukun ka khafiifisay Nin Masaajid Dad ku Laayay.

Maxkamad ku taal dalka Canada ayaa xukun ka khafiifisay nin sanadkii 2017 weerar ka fuliyay masaajid ku yaal magaalada Quebec.

Alexandre Bissonnette ayaa sanadkii hore lagu xukumay laba goor oo xabsi daa’in ah, kadib markii uu lix qof ku dhex dilay masaajidka, halka shan kale uu si xun ugu dhaawacay.

Maxkamadda ugu sareysa Quebec ayaa laalashay xukunkaas oo ay ku tilmaantay mid “arxan darro ah oo aan caadi ahayn”.

Go’aanka maxkamadda ayaa ka dhigan in ninkan la sii deyn karo 25 Gudahood, halkii uu markii hore xabsi ku qaadan lahaa 40 Sano.

Bissonnette oo 31 jir ah ayaa bishii January 2017 waxa uu rasaas ku furay Muslimiin ku cibaadeysanay Quebec Islamic Cultural Centre. Weerarkaas ayaa argagax weyn ku abuuray Canada, waxaana su’aalo laga keenay Islaam naceybka ka jira Quebec iyo qeybaha kale ee dalkaas.

Related posts

Abiy Oo ku Dhowaaqay Wejigii Ugu Dambeeyey Ee Dagaalka Lagu la Jiro Tigray.

Heemaall

Mulkiile Ciro Oo Kormeeray Goobaha Ay Diiwaan Galintu Ka Socoto Ee Degmada Berbera

Heemaall

Ibrahim Omer Oo Noqday Xildhibaankii Ugu Horreeyay Ee loo Doorto Baarlamaanka New Zealand

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More