Heemaal News Network
Caalamka

Maxkamad Xukun Ku Riday Labbo Haween Oo Kufsaday Wiil labbo Iyo Toban Jir Ah

Maxkamada ky taala magaalada Sarpsborg ee dalka Norwey, ayaa maanta haweenay 19 sano jir ah iyo gabar 17 sano jir ah, u xukuntay fal kufsi ah oo loo geystay wiil 12 sano jir.

Haweeneyda 19 sano jirka oo kufsiga ka sakow lagu eedeeyay inay muuqaal ka duubtay falka ay kula kaceen wiilka 12-jirka ah, ayay maxkamadu ku xukuntay 120 maalmood oo xabsi ah. Waxaana u raaca sadex sano oo tijaabo ah, oo aysan danbi ciqaab lagu muteysan karo gali karin, iyo in si wada jir ah u bixiyaan magdhaw dhan 8000 oo dollar.

Dhanka kale gabadha 17-sano jirka ah ayay maxkamadu ku xukuntay xabsiga dhalinyarada, maadaam ay da┬┤deedu ka yareyd 18 sano xiliga uu falka dhacayay.

Xeer ilaalinta ayaa labadan qof ee dumar ah ku eedeeyay inay xadgudub galmo ah kula kaceen wiilka 12-jirka ah, kadib cadaadis iyo u xoog-sheegasho ay ku sameeyeen wiilka.

Gabar kale oo 15 sano jir oo xiliga uu falkan dhacay guriga ku sugneyd, ayaa macalinkeeda iskuulka ku wargalisay falka lagula kacay wiilka. Iskuulka ayaana booliska ku wargaliyay, kadibna kiis dacwo ah kusoo oogay labada gabdhood ee falkaas lagu eedeeyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More