Heemaal News Network

Maxkamad Xukun Xabsi Daa’in ah ku Riday Nin Dilay Saaxiibadii Kadib-na Cunay.(Sawiro)

Nin u dhashay dalka Ruushka ayaa lagu xukumay xabsi daa’in ka dib markii lagu helay inuu diley kaddibna cunay maydka 3 nin oo ay saaxiibbo ahaayeen.

Eduard Seleznev oo ah 51-jir, kasoo jeeda degaanka Arkhangelsk oo dhacda gobolka woqooyi galbeed ee Arkhangelsk Oblast, ayaa saaxiibadii qashay intii u dhaxaysey Maarso 2016 ilaa Maarso 2017 sida dacwad oogayaasu soo xaqiijiyeen.

Seleznev ayaa Maxkamada sare ee Ruushka ka hor qirtay inuu tooreey ku dilay saaxiibadii kaddib markii ay hurdeen iyagoo cabsan, isagoo xusay inuu karsaday ka dibna cunay hilibkoodii.

Ninkan ayaa ragga uu qashay hilibkooda jarjaray, isagoo qeyb ka mid ah ku kaydsaday baco iyo qaboojiye, halka wixii soo harayna uu ku daadiyey webi magaalada ku yaalla.

Kiiskan ayaa argagax iyo fajac ku riday dad badan oo ku dhaqan dalka Ruushka ayaa si weyn u qabsaday warbaahinta caalamka saacadihii la soo dhaafay.


Related posts

Putin Oo Baarlamaanka Mariyey Sharci Difaacaya Xilka Ka Dib

Heemaal

Wakiilka QM James Swan Oo Sheegay Inay Somaliya Halis Wajaheyso

Heemaall

Axmed Madoobe Oo Shuruud ku Xiray In Doorasho Lagu Qabto Degaannada Jubaland.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More