Heemaal News Network
somali

Maxkamad Xukuntay Sharci Dhibaya Soomalida Maraykanka Ee Aan Sharciga Haysan

Maxkamada Sare Maraykanka ayaa go’aan ka soo saartay in sharciga degenaanshaha ee loo yaqaano Kaarka Cagaaran (Green Card) aan loo ogolaanin qofkii haysta waxa loo yaqaano Sharciga ku meel gaarka ah Temporary Protected Status (TPS), haddii uu qofku si sharci daro ah dalka ku soo galay markii uu is dhiibayey ama uu codsiga degenaansha dalka codsanayey.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in go’aanka ay gaartay Maxkamada dalka Mareykanka ay dhabar jab ku tahay dad badan oo Soomaaliyeed iyo qoomiyadaha kaleba ee soo galootiga ku ah dalkaas, kuwaas oo muddo sugayay sharci rasmi ah.

Qareenadda iyo sharci yaqaanadda ayaa ku dhiirigelinaya qof kasta oo ay arrintani saameeyn ku leedahay in ay la xiriiraan qofka u qareen ah si ay uga helaan wixii faah faahin ah ee la xiriira g’aanka Maxkamada.

Wadanka Mareykanka ayaa waxaa ku nool Soomaali farabadan kuwaas oo qaarkood heysta sharci rasmi ah halka kuwo kale ay si sharci darro ah ku joogaan, iyada oo go’aanka kasoo baxay Maxkamadda uu saameyn doono.

Related posts

Saddex Dal Oo Muslimiin ah Oo Maanta Laga Sooman Yahay.

Heemaall

Dowlada Oo Sheegtay inay Dishay Madaxii Qaraxyada Al-Shabaab Ee Shabeellaha.

Heemaall

Dowladda Turkiga Oo Amaro Cusub soo Rogtay.

Heemaall