Heemaal News Network
Soomaaliya

Maxkamada Alshabaab Oo Xukun Dil ah ku Fulisay Nin ku Eedeeyeen Qowmu Luud-nimo.

Maxkamad ay leedahay Al-shabaab oo ku taalla gobolka Sh/Hoose ayaa xukun dil ku fulisay nin lagu eedeeyay inuu ku dhaqaaqay ficilkii Qowmu Luud.

Fagaare ku yaalla degaanka Doon Buraale ee hoos taga degmada Qoryooleey ayaa xukun dil lagula fuliyay nin lagu magacaabi jiray Axmadey Qaadi Maadey kaasoo lagu helay fal khilaafsan shareecada suuban ee islaamka sida lagu sheegay War ka soo baxay Al-shabaab.

Qaadiga Maxkamada Al-shabaab ee Sh/Hoose oo fagaaraha ka akhrinayay xukunka ninkan ayaa sheegay in Axmadey uu qirtay dhamaan waxyaabihii lagu eedeeyay ayna ku cadaatay in uu sameeyay ficilkii Qowmu Luud oo ah inuu u galmooday nin kale sidaasna xukunka xadka looga oofiyay.

Al-shabaab ayaa xukuno kala duwan oo dil u badan ka fulisa degaanada ay maamusho, kuwaasoo loo geysto dad lagu soo eedeeyo dembiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin basaasnimo iyo qaar kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More