Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa soo saartay xukun dacwadeed oo u dhaxeeya shirkadda Favori ee gacanta ku haysa garoonka diyaaradajha Muqdisho iyo ururka shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU.
Maxkamada ayaa laashay jawaabtii dacwadii Favori, waxayna aqbashay dacwada FESTU. Maxkamadu waxay amartay favori inay bixiso mushaarka Abshir Hassan oo ay si sharci daro ah shaqada ugu ceyrisay.
Waxay kaloo maxkamadda amartay in si deg deg ah Abshir loogu celiyo shaqadiisa laga ceyriyay sanadkii hore.
Shirkadda Favori ayaa lagu eedeeyay in ay si ka baxsan bini’aadamada ula dhaqmaan shaqaalahooda ka howlgalla garoonka Aadan Cadde.
Tallaabada ururka shaqaalaha Soomaaliya uu qaaday ayaa wado ufarayso in shaqaalaha Soomaaliyeed ee la kulmaya gabood falada ay helidoonaan xarun xuquuqdooda usoo dhicisa.