Maxkamada Ciidamada Oo Xukun Dil ah ku Riday Askari Kufsaday Gabadh 4 jir ah.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday Dable Xoogga Dalka Maxamed Xuseen Cilmi oo loo haystay inuu kufsi uu u gaystay Farxiyo Cabdi Shakuur Bootaan oo Afar jir ah.

Kufsigan ayaa 14-kii May ee Sanadkan ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa baaritaan kadib waxay eedeesanaha hor geeyeen Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana xukumanuhu qirtay dambiga uu galay.

Eedeysanaha oo fursadda loo siiyay fadhigan Maxkamadeed ayaa sheegay inuu isaga qaadanayo masuulliyadda dhibkii dhacay laakiin uusan ka jawaabi Karin sababta ku kaliftay inuu kufsado gabar ciyaal ah oo ay daris yihiin, waxa uu intaasi ku daray in xilli dambe oo wax walba ay dhaceen ay dib kala xumaatay.

Muumin Xuseen Cadullaahi ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay xukunka maanta lagu riday askariga uu fariin u noqonayo in fal dambe oo kufsi ah uusan ku fikirin qof kamid ah Ciidamada Qalabka Sida.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee CQS ayaa la tashi iyo fadhiya Maxkamadeed kadib ku riday xukun Dil ah maanta sida uu la wadaagay dhinacyada dacwadda.

Xukunsane Maxamed Xuseen Cilmi ayaa haysto fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy