Heemaal News Network

Maxkamada Denmark Oo Xakun Xabsi Adag ku Riday Wiil Somali ah Oo Dhibaateeyay Xaaskiisa

Maxkamad taalla dalka Denmark ayaa xukun adag ku riday wiil Soomaali ah oo 22 sano jir ah kaasoo ku dhashay Dalka Denmark isla markaana ku hadli karin Luuqada Sooamaliga si wanaagsan.

Wiilkan Somaliga ayaa qadka internetka ka bartay gabar Ciraaq u dhalatay taasoo ugu danbeyn noqotay xaaskiisa waxaana la sheegay inuu dhowr mar u geystay falal jirdil ah sida isagoo sigaar uga damiyay isha.

Hooyada Gabadha oo qadka Muuqaalka kala hadashey gabadheeda ayaa aragtay dhibka gaaray gabadheeda waxayna markaasi dacweysay wiilka.

Wiilkan oo aan magaciisa la shaacin ayaa dhowr mar oo hore geystay dambiyo kala duwan, waxaana Maxkamadu ay sheegtay in uu geystay dhammaan dembiyada lagu soo eedeeyey waxaana lagu xukumay 5 sano oo xabsi ah iyo in loo tarxiilo Soomaaliya oo ah dalka uu asal ahaan ka soo jeedo.

Related posts

Qaraxyo Xooggan Oo Lagu Weeraray Caasimadda Gobolka Amxaarada.

Heemaall

Xukuumada Abiy Ahmed Oo Shaacisay Inay Magaalo kale Ay ka Qabsatay Xoogaga Tigray-ga.

Heemaall

IGAD Oo Walaac ka Muujisay Xaalad Taagan Itoobiya.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More