Heemaal News Network

Maxkamada Hiiraan Oo Xabsiga kasii Deysay Dad U Xirnaa Hir-shabelle.

Maxkamada gobolka Hiiraan ayaa maanta xabsi kuyaala magaalada Baladweyne kasii deysay todobo qof oo isugu jira rag iyo dumar mudo isbuucyo ah u xirnaa in ay kasoo horjeedaan maamulka cusub ee Hirshabelle.

Dadkan maxkamada xabsiga kasii deysay ayaa siyaabo kala duwan looga xir xiray Baladweyne, waxaana dadkan intii ay xirnaayeen aan la horgeyn maxkamad balse si sharci daro ah xabsiyo loogu hayay.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Hiiraan Cabdiraxiin Taakooy ayaa go’aanka maxkamadda ku dhawaaqay, waxuuna carabka ku dhuftay in dadkaasi aysan dhameestirneyn eedda loo heestay isla markaana waafaqsaneyn heerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo heerka garsoorka, Qodobka 122aad dambi la’aanta, sidaas daraadeedna xeerka ciqaabta inay maxkamadda dadkaasi kusii deeysay.

Dadkan xabsiga laga sii daayay oo ku jirto gabar la dhalatay Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Waare ayaa laamaha amaanka ku eedeeyeen in ay kasoo horjeedaan maamulka Hirshabelle sidii kale ku howlanayaan abuuritaanka rabshado iyo kicin dadweyne .

Halkan ka Akhriso

Related posts

Qarax Lala Eegtay Gaariga Guddoomiye Degmo Oo ka Dhacay Muqdisho

Heemaall

Jubbaland Oo Xukun Adag ku Riday Rag Dil ka Geystay Magaalada Kismaayo.

Heemaall

Kenya Oo soo Dhoweysay Warbixintii Guddiga Xaqiiqo Raadinta IGAD Ee Xadka Somaliya.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More