Heemaal News Network
Caalamka

Maxkamada Swedan Oo Xakun ku Riday Somali Iyo Rag kale Oo ku Eedeysnaa Fal Kufsi.

Maxkamad ku taalla magaalladda Borlänge ee dalka Sweden waxaa la soo taagay 3 nin oo Shisheye ah ,kuwaasi oo dhamaantood lagu soo oogay falal la xiriira Kufsi lagula kacay gabar 14-jir oo u dhalatay dalkaasi.

Eedeysanayaasha oo kala ahaa Nin Somali haysta dhalashadda Swedishka iyo 2 nin oo u dhashay dalka Lithwaaniya ayaa la sheegay inay gabadhaasi yar kufsadeen, markii ay isku barteen Aaladda Baraha Bulshadda ee Snapchat.

Ninka Somali-Swedish-ka oo lagu magacaabo Abuukar Axmed Maxamed oo 19-jir ah waxa uu qirtay inuu ragga kale u fududeeyey inay kufsadaan Gabadha da’da yar, Tahriibinta dadka, iyo in lagu soo oogay dacwad la xiriirta Ganaacsiga Daroogadda,sida ay Warbaahinta dalkaasi qoreen.

Xeer-beegtida Maxkamadda magaalladda Borlänge waxay Eedeysanaha Somali-Swedish-ka ku xukuntay Xabsi 4-sanno iyo Ganaax Lacageed oo dhan 107,000 ee Lacagta Swedish-ka eeKrona, taasi oo u dhiganta 17,777 Dollarka Maraykanka.

Dhinaca kale, Labada Eedeysane ee ka soo jeeda dalka Lithwaaniya waxaa iyagana lagu xukumay Xabsi dhowr sanno, iyo msarka ay dhamaystaan Xabsigooda dib loogu celiyo dalkodoa hooyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More