Heemaal News Network

Maxkamadda Ciidamada Oo Xakuno kala Duwan ku Riday 9 Askasri Oo ka Tirsan Booliiska Somaliya

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee soomaaliya qeybta 27aad ayaa xukuno kala duwan Maanta ku riday askar ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka howlgalla gobalka Gedo.

Askartan oo tiradoodu dhan tahay 9 Askari ayaa waxaa lagu eedeeyay dilka dable Bishaar Cumar Yuusuf oo ka tirsanaa Ciidamada Booliska degmada Doolow, kaas oo dhacay 22/11/2020.

Eedeysanaha koobaad dable Axmed Maxamed Dhaqane ayaa Xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda uu kusoo eedeeyay dilka Dable Bashiir Cumar Yuusuf, halka eedeysanaha labaad oo lagu Magacaabo Cabdi Shiilow Maxamed lagu eedeeyay gadood & khalqal gelin amni.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdulle Aadan ayaa sheegay in dable Boolis Axmed Maxamed Dhaqane lagu xukumay dil toogasho oo ah qisaastii dable Bishaar Cumar Yuusuf, Dable Boolis Cabdi Shiilow Muxamed 6 sano oo Xabsi Ciidan ah, dambiile Dable Boolis Axmed Maxamed Mukhtar lagu xukumay Afar Sano oo Xabsi ciidan ah.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa ku kala xukuntay Dable Boolis Maxamed Axmed Cabdullaahi Isaaq Buufaay laba Sano oo Xabsi Ciidan ah, Dambiile Faarax Geelle tareey C/Kariim laba Sano oo Xabsi Ciidan ah, Dambiile Isaaq Jaamac Xuseen Maxamed laba Sano oo Xabsi Ciidan ah, Dambiile C/rashiid Aadan Ibraahim Shuuriye laba Sano oo Xabsi Ciidan ah, Dambiile Moogow Nuurow Aadan xuseen laba Sano oo Xabsi Ciidan ah, Dambiile Xasan Cali Ibrahim Shariif laba sano oo Xabsi ciidan ah.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdulle Aadan ayaa sheegay ciddii ana ku qanacsaneyn xukunka Maxkamadda ay u furan tahay racfaan.

Related posts

Mudaharaad Rabshado Watay Oo Maanta ka Dhacay Magaalada Garowe

Heemaall

Mareykanka Oo Sheegay Inay Ciidamada Eritrea Qayb ka Ahaayeen Dagaalka Tigray.

Heemaall

Deg-deg:-Nin Hubeysan Oo Rasaas ku Furay Dad Dibad-bax ka Dhigayay Muqdisho.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More