Heemaal News Network

Maxkamadda Ciidamada Oo Xukuntay Askar Lagu Helay kufsi Iyo Dil

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad ayaa maanta xukuno isugu jira dil iyo xabsi ku riday askar katirsan ciidanka dowlada Soomaaliya oo lagu helay dil iyo kufsi loo geestay gabar Soomaaliyeed.

Maxkamada ayaana lasoo taagay Sadex Askari oo lagu kala Magacaabo Xidigle xooga Nuur Aadan Rashiid, Saddex Xerigle Maxamed Maxamuud Buulle & Dable Salaad Xareed Cali, waxaana lagu eedeeyay dil iyo kufsi loo geestay Ismahaan Bakaal Maxamed.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdulle Aadan, ayaa sheegay in maxkamada xukun dil ah ku riday Xiddigle Xoogga Nuur Aadan Rashiid (Madoobe) oo lagu helay in kufsi iyo dil u geestay Ismahaan Bakaal.

Maxkamada ayaa sidoo kale shan sano oo xabsi ah ku riday Saddex xarigle Xoogga Maxamed Maxamuud Buulle oo lagu helay in uu lahaa qorayga dilka lagu geestay, waxa ayna Maxkamada sii deysay Dable Booliis Salaad Xareed Cali oo dambi lagu waayay.

Askarigan katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa dhawaan degmada Balad Xaawo dil iyo kufsi ugu geestay Ismahaan Bakaal Maxamed, waxaana falka uu geestay askarigan si weyn uga carooday bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhyaqan Balad Xaawo.

Related posts

Xildhiban Mar kale Eedeeyay Mayarka Borama kana Hadlay Xariga Wariyeyaasha.

Heemaall

Hoggaamiyaha Burcadda Disha Ganacsatada Somalida Oo Lagu Xiray South Africa.

Heemaall

Dawlada Somaliya Oo Mamnuucday in Shirarka Arrimaha Soomaliya Lagu Qabto Nairobi

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More