Heemaal News Network
somali

Maxkamadaynta Eedeysanayaal Ajaanib ah Oo Maanta Laga Bilaabay Muqdisho.

Maxkamadda G/Banaadir waxay maanta u fariisatay Gal-dacwadeedka ciqaabta ah ee sumaddiisu tahay MGB/DDL/179/2021, kaasoo ay eedeysanayaal ka yihiin lix qof oo 4 ka mid ah ay yihiin ajaanib, kuwaasoo dhamaantood ahaa shaqaalihii iyo asasaasayaashii shirkada SAHAN RESEARCH.

Dawlada Fadaraalka ayaa dadkan ku eedeysay falal ay ka mid yihiin faafinta xogaha amniga qaranka iyo basaasid siyaasadeed ayna ku xad gudbeen Qodoboda 199-200-201-202-204-205-71 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, waxayna kala yihiin:-

1- Matt Bryden oo horey u ahaa madaxa Guddigii QM ee dabagalka xanibaada hubka Somalia.

2- Rashid Abdi

3- Robinson Colin,

4- Kheyre Abdrahman Rage.

5- Emmanuel Deidder,

6- iyo David Hopkins

Dhamaan dadkan ayaa ah maqanayaal ay horay Maxkamaddu ugu sameysay baafin iyo u yeeritaan laakiin ay imaan waayeen, Maxkamadduna waxay u qabatay Qareeno difaaca eedeysanayaashaas.

Qareenadii waxay keeneen fadhigii maanta is’hortaag ka dhan ah Eedda, sido kalena Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku wuxuu ka jawaabay is hortaagaasi, Maxkamadduna waxay ku soo afmeertay fadhigan inay qaraar ka soo saarayso.

Related posts

Qodobada ay Ka Taageeri-doonaan RW Rooble Guddigii Uu Xalay Magacaabay Oo la Shaaciyay(Sawiro)

Heemaall

Farmaajo Oo Madaxweynaha Congo ka Dalbaday inuu la Heshiisiiyo Mucaaraadka.

Heemaall

Farmaajo Oo la Kulmay Dhakhaatiirta ku Howlan la Tacaalida Covid 19.

Heemaall